Farmaajo oo dambiiliyaal jogooyin ku abaal-mariyay

Jaamaca aya horey uga mid ahaa Kooxa argagaxisadda Al-Shabaab, wuxuuna kusoo biiray dawladda xiligii Xasan Sheekh, oo laga dhigay diblomaasi katirsan Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo dambiiliyaal jogooyin ku abaal-mariyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu ku abaal mariyay shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaadey guriga uu ka degan yahay Muqdisho December 2017 jagooyin wasiirnimo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu Xisbiga kaga hadlay magacaabista ku-xigeenka agaasimihii hore ee NISA, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan "Jaamac" wasiirka cusub ee cadaaladda Xukuumadda Rooble.

“Waa war murugo leh in Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo mar ahaa ku simaha agaasimaha hey'adda Sirdoonka, isla markaana hormuud ka ahaa weerarkii bishii Diseembar 2017 lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir, ayaa hadda loo magacaabay wasiirka cadaaladda," ayuu xisbigu ku yiri War-Saxaafadeedka.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in tani ay tahay tallaabo kale oo muujineysa sida Farmaajo iyo kooxdiisu u awood siinayaan gacan ku dhiiglayaasha ayna ku dhiiri gelinayaan marin habaabinta cadaaladda iyo damqinta nabarradii hore," ayuu hadalkiisa raaciyay Xisbiga Wadajir.

Xisbiga, oo uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku booriyay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu "go'aan deg deg ah ka qaato" arinta ku saabsan xubnaha dembiyadda ka galay shacabka ee Gollahiisa wasiiradda kusoo daray.

Wasiirka cusub ee Cadaaladda ayaa horey uga tirsanaan jiray Al-Shabaab, oo uu kasoo goostay xiligii dawladdii Xasan Sheekh, isagoo kadibna laga dhigay diblomaasi katirsan Safaaradda Soomaaliye ee Turkiga waqtigii uu Mursal safiirka ahaa.

Mudooyinkii dambe wuxuu la taliye sare u ahaa Mursal, gudoomiyaha gollaha Shacabka, isagoo jagadaasi ku gambanayay, maadaama uusan Muqdisho ku noolaan karin isagoo rayid ah, sababtoo ah dhibaatooyinka uu u geystay siyaasiyiin uu CC Shakuur kamid yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.