Farmaajo oo doonaya in doorasho dadban u geliyo Shaati doorasho qof iyo cod ah

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu ansixiyey sharci dhigaya doorasho dadban, taasoo ah in kuraasta Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo doonaya in doorasho dadban u geliyo Shaati doorasho qof iyo cod ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo lagu sii dhawaanayo waqtiga doorashadda, ayaa waxaa sii xoogeysanaya hadal-heynta mudo kordhinta uu ka shaqeynaya Farmaajo oo tan iyo doorashadiisii 2027 aad loogu dhaliilay inuu ka qaabiyay waajibaadkii qaran ee loo dhaariyay.

Villa Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe la timid ajandooyin cusub, oo ugu gogol xaareyso sidii madaxda haatan talada haysa ay xafiiska usii joogi lahaayeen, iyadoo dib u dhigis lagu sameynayo doorashooyinka la filayay 2020-2021.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu Cabdiraxmaan Cabdishkuur ku sheegay in shaati doorasho qof iyo cod ah loo gelinayo doorasho dadban, oo dalka dib loogu celinayo nidaamka 4.5, oo lagu soo dhisay dowladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: "Sharciga doorashada ee uu Golaha Shacabku ansixiyey waa sharci dadban, wuxuuna dhigayaa in kuraasta ay sidoodii, reerihii iyo jufooyinkii hoose u kala leeyihiin. Caqliga wuxuu keenayaa in cid aan ahayn reerkii iyo jufadii kursiga lahayd aysan ka codaynin, taasina waa doorasho dadban, laakiin la doonayo in shaati doorasho qof iyo cod ah loo geliyo. Ma jirto cid doorasho qof iyo cod ah haysa ee miiska waxa saaran waa doorasho dadban, waxaase la isku hayaa doorasho dadban oo xilligeeda ku dhacda iyo doorasho dadban oo shaati qof iyo cod ah loo xiray, laguna xalaalaysto muddo kordhin, taasina ay dalka xasillooni darri iyo qalalaase u horseedo."

Farmaajo iyo Kheyre waxay dhawaan sheegeen inay doorasho dhacayso, balse shacabka uma fahfaahin waqtiga iyo nooca ay noqon doonto, laakiin waxay dad badani u arkaan in dowladda aysan diyaar u ahayn mudo 4 bilood gudahooda inay dalka doorasho ka qabato.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.