Farmaajo oo loogu baaqey inuu joojiyo boobka hantida qaranka

Musharixiinta Mucaaradka ayaa sheegay in iibinta shidaalka Soomaaliya ay dhaawacayso jiilka hadda jooga iyo midka mustaqbalka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo loogu baaqey inuu joojiyo boobka hantida qaranka

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal Maanta ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu boob ku hayo hantida qaranka, gaar ahaan khayraadka dalka isagoo suuq madow ku iibinaya shidaalka ku jira xeebaha.

"Gollaha Musharixinta wuxuu Farmaajo ugu baaqayaa inuu ka waantoobo ku tagri-falka iyo musuq-maasuqa hantida qaranka, islamarkaana uu si deg deg ah u joojiyo ruqsad-bixinta baarista shidaalka," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka.

Keydmedia Online ayaa labo maalin kahor soo qortay warbixin Exclusive ah, oo ku saabsan in dalka Turkiga uu ku sugan yahay Wasiirka Batroolka C/rashiid, oo u jooga Istanbul inuu ku saxiixay heshiisyo shirkado ajnabi ah lagu siinayo ruqsado ay shidaal uga baarayaan badweynta Hindiya.

Musharaxiinta waxay shirkadaha galaya heshiiska looga digay inay lacagtooda ku bixiyaan saxiixyo aan hadhow shaqeyn doonin, oo hadda si sharci darro ah loogu sameynayo, waxayna ugu baaqeen inay sumcadooda ilaashadaan.

Bixinta Ruqsadaha Shidaalka ayaa lagu soo beegay xili lagu guda jiro waqti doorasho, oo Farmaajo uu yahay Musharax doonaya inuu mar labaad kursiga ku guuleysto, waxaana laga cabsi qabaa in lacagta shidaalka u isticmaallo dib u doorashadiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.