Farmaajo oo saddex fariin looga soo diray Shirka Musharixiinta

Musharixiinta Madaxweyne oo gaaray 14 ayaa mudo 5 maalmood ah ku kulmayay Jazeera Hotel, iyagoo mowqif mideysan ka qaatay doorashadda 2020-21.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo saddex fariin looga soo diray Shirka Musharixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo oo mudo xileedkiisa sii dhamaanayo ayaa wuxuu cadaadis kala kulmay Musharixiinta Madaxweyne, kuwaasoo Muqdisho ku sameystay Isbahaysiga isaga ka dhan ah.

Waxay Musharixiinta 5 maalmood kulan ku yeesheen Jazeera hotel, iyagoo ku casuumey odayaasha dhaqanka, dhalinyaradda, haweenka, gudoonka labada aqalka ee BF iyo Saxaafadda oo Maanta la kulmeen.

Saddex fariin ayay Musharixiinta u direen Farmaajo, kuwaasoo kala ah inuu baabi'iyo gudiyadda doorashooyinka, inuu ogolaado dhismaha gudiyo loo dhan yahay oo dhexdhexaad ah iyo inuu farah kala baxo magacaabista gudiyada doorashadda Xildhibaanadda Somaliland.

Mushariinta ayaa shalay Wakiiladda Beesha Caalamka la wadaagey walaacooda ku aadan doorashadda, iyagoo u sheegay inaysan ka qeyb gali doonin doorasho gudiyadda maamulaya ay yihiin taageeriyaasha Farmaajo iyo NISA.

Is-jiid-jiidka socda ayaa laga cabsi qabaa inuu dib u dhigo doorashadda oo la filayay inay December billaabato, waxaana Ra'iisul Wasaare Rooble horyaalla mushkilado Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u abuureen xalintooda.

Doorashooyinkii hore waxay ku dhici jireen waqtigooda, mana jirin Madaxweyne kursiga isku dhejiyay markii uu waqtigiisa dhamaadey, marka laga reebo Farmaajo oo doonayo inuu xukunka dheeraysto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.