Farmaajo oo safar aan horey loo shaacin ku tagey South Sudan

Madaxweynaha ayaa kamid ah hogaamiyeyaal Africa ka socda oo lagu casuumey munaasabadda saxiixa heshiiska nabadeeda ee Sudan iyo Mucaaradka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo safar aan horey loo shaacin ku tagey South Sudan

JUBA - Madaxweyne Farmaajo ayaa saakay ka degay Caasimadda South Sudan ee Juba, halkaasi oo uu ku tagey safar aan horey loo shaacin, laguna soo beegay xili Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu ka qayb galaya munaasabadda saxiixa heshiiska nabadeed ee dawladda Suudaan iyo Mucaaradkeeda oo ka dhacay Madaxtooyadda South Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dawladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.

Dawladda South Sudan ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.