Fowdo ka socoto Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa diidan inuu Madaxweynaha hadlo, waxaana la isku dayayaa in la dejiyo xaaladda hoolka.

Warar Keydmedia Online
Fowdo ka socoto Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Fowdo iyo buuq ayaa ka taagan xarunta Villa Hargeysa oo maanta Xildhibaanada Gollaha Shacabka ku leeyihiin Kulan xasaasi ah oo Farmaajo la filayo inuu Khudbad ka jeediyo.

Amaanka goobta ayaa la adkeeyay, waxaana ku sugan baratakoolka Madaxweynaha iyo ilaaladiisa gaarka ah, iyadoo wararku ay sheegayaan in suxufiyiinta loo diiday inay kulanka tabiyaan, waxaana loo saarey banaanka.

Mursal ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo si kedis ah mudo kordhin hal sano ah iyadoo arintaasna tahay mid mudo dheer Villa Somalia ka shaqeynaysay, oo si sharci darro ah la doonayo inuu dalka ku maamulo Madaxweyne waqtigiisa dhamaaday.

Farmaajo ayaa deg deg ugu soo laabtay Muqdisho saakay kadib markii fashil uu kusoo dhamaaday wadahadalladii Dhuusamareeb oo mudo 3 maalin ah la isku mari waayay arinta Gedo, oo Axmed Madoobe dalbaday in Ciidanka DF laga soo saaro.

KEDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.