Gaari lagu rasaaseeyay Sh/Dhexe

Gaariga rakaabka ah ayaa la sheegay in uu ka soo baxay degmada Jowhar, islamarkaana kusoo jeeday Muqdisho, markii ay askarta rasaasta ku furayeen.

Warar Keydmedia Online

JOWHAR, Soomaaliya - Askar katirsan dawladda ayaa rasaas ku furtay Gaari rakaab ah oo ku safarayay inta u dhaxaysa Jowhar iyo Balcad, oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo aan la ogeyn sababta, balse loo maleynayo inay shacabka dhici rabeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay laba qof oo ka mid ahaa dadkii la socday gaarigaas, halka seddax kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta. Gaarigan ayaa saakay kasoo baxay Jowhar, wuxuuna kusoo jeeday Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.