Geelle oo taageeray jabka TPLF, gacaltooyana u muujiyay Itoobiya

Madaxweynaha Sahle-Work ayaa uga mahadcelisay Jabuuti in ay tahay dalkii ugu horreeyay ee jawaabta wanaagsan ka bixiya howlgalka Ciidanka Militeriga dowladda Itoobiya ee gobolka Tigray.

Warar Keydmedia Online
Geelle oo taageeray jabka TPLF, gacaltooyana u muujiyay Itoobiya

JABUUTI - Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa maanta booqasho 2 maalin ku tagtay dalka Jabuuti, waxayna wada hadallo la yeelatay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Sahle-Work ayaa uga mahadcelisay Jabuuti in ay tahay dalkii ugu horreeyay ee jawaabta wanaagsan ka bixiya howlgalka Ciidanka Militeriga dowladda Itoobiya ee gobolka Tigray.

Intii ay warbixin ka siineysay Madaxweynaha Jabuuti howlgalka, waxay sheegtay in shacabka Tigreegga ay muujiyeen jacaylka ay u qabaan nabadda iyagoo garab taagan Ciidamada difaaca qaranka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Itoobiya guusha ay ka gaareen howlgalka Tigray, isagoo muujiyey inuu taageersan yahay Itoobiya oo nabad ah oo midaysan.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale is-dhaafsaday arrimo khuseeya labada dhinac iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika ee danaha kala duwan wadaagga.

Madaxweyne Sahle-Work ayaa ka soo muuqan doonta xarunta baarlamaanka Jabuuti, oo la filayo inay berri Xildhibaanada u jeediso khudbad ay uga warbixinayso colaadda ka socota dalkeeda, oo ay doonayso inay dhinac wanaagsan ka tusto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.