Guluf dagaal oo ka billowday Baay iyo Bakool

Taliyaha Ciidanka dhulka Genaraal Cabaas Amiin Cali ayaa gaarey Baydhabo, isagoo ay wehliyaan taliyeyaal sare oo ka socda Militeriga iyo AMISOM kuwaasoo abaabulaya duulaan ka dhan ah Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online

BAYDHABO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ayaa Ciidamo u dirtay Baay iyo Bakool, iyadoo wado qorshooyin Malleeshiyaadka Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay gobolladaas ka joogaan.

Waxaa howshan loo xil-saarey Gen. Cabaas Amiin Cali, oo dhawaan Farmaajo u magacaabey taliyaha Ciidanka dhulka. Maalmo kahor, Ciidanka waxay kasoo baxeen Deynuunay iyo goof-gaduud Buurey ee gobolka Bay kadib markii dhowr jeer Al-Shabaab ku weerartay.

Farmaajo ayaa ku fashilmay balan-qaadkii ahaa inuu labada sano ee ugu horeeya dowladdiisa ay Al-Shabaab ka sifeyn doonto guud ahaan wadanka, balse aaney dhicin hal degmo in laga saaro Kooxdan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.