Guluf dagaal oo ka socda Jubbooyinka

Al-Shabaab ayaa maamusha guud ahaan gobolka Jubbada Dhexe halkaasi oo hadda kamid noqotay meelaha isha lagu hayo, ee ay ku wajahan yihiin duulaanka iyo guluf socda, oo ay Mareykanka Ciidankiisa qeyb ka yihiin.

Warar Keydmedia Online
Guluf dagaal oo ka socda Jubbooyinka

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa tababar usoo xiray 620 askari, oo ku biiray Ciidamada Darawiishta Maamulkiisa kadib 6 bilood oo lagu carbinayay xero ku taalla duleedka Kismaayo.

Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadanaya Howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, ee ka socda Jubbooyinka, kaasoo ujeedkiisu yahay sidiii loo xoreyn lahaa degaanada argagaxisadda haysato.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka xorta ah sidoo kalana ay Ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaanada ay Argagixisadu, iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah si ay uga dulqaadan dhibaatada ay lagu hayo.

Mareykankaa ayaa Ciidamo geeyay Jubbada Dhexe, kuwaasoo saldhig ku leh Baar-Sanguuni, oo dhawaan la weeraray, waxaana halkaasi lagu dilay labo sano kahor askar kamid ahaa Navy SEAL, afar kalena waa lagu dhaawacay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.