Guuxa Siyaasadeed ee natiijada shirkii Dhuusamareeb

Villa Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii uu kursiga ugu sii fadhin lahaa Madaxweyne Farmaajo, oo mudo xileedkiisu sii dhamaanayo.

Warar Keydmedia Online
Guuxa Siyaasadeed ee natiijada shirkii Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa xalay kulamo xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka hadlay natiijada shirkii Dhuusamareeb ee u dhaxeeyay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada

Xildhibaanadaan oo ah kuwa u badan garabka taageersan madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in wadaan abaabul ka dhan ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb, waxaana la filayaa in ay maanta ka hor jeediyaan qodobadaas kulanka Gollaha Shacabka oo diiradda lagu saarayo ka doodista nooca doorasho ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in mudanayaashaan ay ku doodayaan in aysan Maamul Goboleedyada go’aan ka gaari karin nooca doorasho ee ka dhacaysa dalka, balse laga talo siin karo kaliya, iyagoo muujinaya doorkooda ku aadan taageeranimada Farmaajo.

Qorshaha ayaa ah in meesha laga saaro khilaafka doorashooyinka in uu yahay mid u dhaxeeya Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada , islamarkaana loo wareejiyo Golaha Shacabka iyo Maamul Goboleedyada, taasoo fursad  siin karta madaxweyne Farmaajo inuu dhaho wax kasto waxaa looga dambeynayaa go’aanka Baarlamaanka ama qaraarka ay soo saaraan.

Arintaan ayaana horsiidi karto in lagu buriyo qodobadii laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb ee ahaa in dalku aado doorasho wada ogol ah, kana tashadaan dhinacayada Dowladda, Dowlad Goboleedyada, iyo Saamileyda siyasadeed.

Farmaajo ayaa ka sheegay gabagabada shirkii Dhuusamareeb in uu go’aanadii shirkaas ka soo baxay ula laaban doono Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in godoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu horey u shaaciyay in uusan aqbali doonin doorasho dadban, taasoo ah fekerka Madaxtooyada.

Si kastaba, maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in kulanka Golaha Shacabka lagu lafa guro nooca doorasho ee dalka 2020-2021, iyadoo diiradda lagu saari doono qodobada ku qornaa War-murtiyeedkia shirkii Dhuusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.