Halkee ku dambeeyay Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug?

Gudoomiyaha ayaa lacagta Mushaarka Xildhibaanada ku dhistay, kuna qalabeystay Xafiiskiisa magaaladda Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Halkee ku dambeeyay Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug?

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inay dib ula laabteen Mooshin xilka-qaadis ah, oo ay ka diyaariyeen Afhayeenka Gollaha Dr Maxamed Gacal.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii heshiis laga gaarey mushaar la’aanta Xildhibaanada mudo dhowr bilood ah, taasoo ku khasabtay xubnaha Baarlamaanka inay mooshin keenaan.

Khilaafka ayaa lagu xaliyay kulan dhexmaray Xildhibaanada Mooshinka waday iyo Madaxweyne ku-xigeenka, Ali Daahir Ciid, kaasoo ka dhacay Dhuusamareeb maalintii shalay.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay gudoomiye Maxamed Gacal in lacagtii loogu tala-galay in lagu bixiyo mushaarkooda uu ku qalabeysatay xafiiskiisa, iyadoo mudaniyaasha ay awoodi waayeen dhaqaale ay kharashka guryaha ay degan yihiin iyo noloshooda ku bixiyaan.

Gacal waxaa sidoo kale lagu eedeeyay hogaan-xumo iyo inuu ku fashilmay diyaarinta hanaan lagu bixiyo mushaarka Xildhibaanada, oo ka yimaada taageero dhaqaale oo Galmudug dibada ka hesho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.