Hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya 2020

Soomaaliya ayaa dibadda looga leeyahay deyn lagu qiyaaso $4.6 billion, lacagtaas oo ay qaateen dowladihii hore iyadoo dulsaarkeeda uu sanad walba sii kordhayo.

Warar Keydmedia Online
Hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya 2020

WASHINGTON - Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco 2.5% sanadkan, Bangiga Adduunka ayaa sidaas sheegay maanta , taasoo hoos uga dhacday saadaashiisii ​​hore ee 3.2% kobaca 2020, sababo la xiriira saameynta coronavirus.

Marka laga soo tago aafada COVID-19, dhaqaalaha Soomaaliya waxaa saameyn ku yeeshay fatahaado aad u daran sanadkaan uu webiga Shabeelle ka sameeyay gobollo dhorw ah iyo ayax baabi'iyay dalagyo ka baxayay dhul beereed ballaaran, taasoo keentay cunto yari.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay marka uu eegay xaaladda maaliyadeed ee dalka, oo horey dagaallo u aafeeyeen inay hadda sii xumaato saboolnimada sanadka 2020, oo malaayiin qof soo foodsaarto cunto la'aan iyo abaaro.

Dowladda Soomaaliya waxay xoogga saartay deyn-cafinta kadib sanado badan oo soo kabasho gaabis ah ay sameynaysay, taasoo u oggolaaneysa inay ku soo noqoto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah markii ugu horreysay muddo 30 sano ah.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in "Cudurka faafa ee COVID-19 uu carqaladeeyay dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya".

"Kobaca ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto 2.9% sanadka soo socda iyo 3.2% sanadka 2022, Bangiga Adduunka ayaa sidaas yiri, laakiin dib u dhac kasta oo ku yimaada qaadista xayiraadaha la saaray dalka ayaa kaalin ka qaadan kara soo kabashadda dhaqaalaha.

Sida dowladaha kale ee deriska ah, Kenya iyo Itoobiya, Soomaaliya waxay la dagaallameysaa mowjado ayax ah, kuwaasoo ku faafay 44 ka mid ah degmooyinkeeda.

Dalka wuxuu sidoo kale wajahayaan caqabad amni, iyadoo Al-Shabaab ay fulinayso weeraro joogto ah oo saameeyay dib u dhiska dalka iyo soo celinta nabada iyo kala dambeynta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.