Howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxay Ciidamada Danab ka fuliyeen degaanka Koban oo hoostaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

Warar Keydmedia Online

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab Gashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in howlgal ay ka fuluyeen duleedka Kismaayo ay ku dileen Sarkaal katirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Garwayne iyo afar kamid ah ilaaladiisa.

Garweyne ayaa Kooxda u qaabilsanaa Maaliyada Gobolka, sida uu xaqiijiyay Gashaanle Ismaaciil, isagoo intaasi ku daray in Ciidanka sidoo kale ay wadada u dhexeeysa Jamaame iyo Kismaayo kasoo saareen miinooyin ay wada galiyeen Al-Shabaab si ay dhibaateeyaan shacabka isticmaala jidka.

Gaashaanle Ismaaciil ayaa sheegay in howlgalka weli uu socda, islamarkaana ujeedkiisu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay wali kaga sugan yihiin Gobolka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.