Indhacadde oo beeniyay in laga soo badbaadiyay Hotel Afrik

Janaraal Yuusuf Siyaad Indhacadde ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay kaas oo sheegayay in laga soo badbaadiyay hotel ka uu qaraxu ka dhacay ee magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
Indhacadde oo beeniyay in laga soo badbaadiyay Hotel Afrik

MUQDISHO, Soomaaliya - Janaraal Yuusuf Siyaad Indhacadde oo kamida saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa iska diiday hadal warbaahintu ay baahisay kaasoo sheegayay in Indhacadde laga soo badbaadiyay Hotel Afrik oo uu ka dhacay weerar ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab.

Gen. Indhacade ayaa yiri “Gurigayga ayaan joogay marka uu qaraxa dhacay, waxa aan kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee u gurmaday Hotel AFRIk . Rasaas badan ayaa dhaceeysay waxa aan ka galnay dhinaca buundooyinka , dad badan ayaan kasoo badbaadinay kadib waxaa iigu yimid Saadaq John (Taliyaha booliiska Gobalka Banaadir ) iyo ciidamada amniga markaas ayaan kasoo tagay“ ayuu yiri Janaraal Indhacade oo u waramayay mid kamida idaacada maxaliga ah ee ka howl gala magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.