Itoobiya oo Qunsul cusub u dirsatay Puntland

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa qunsul cusub oo lagu wado in uu ka howl galo Puntland usoo magacaabatay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo Qunsul cusub u dirsatay Puntland

GAROOWE, Soomaaliya - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee dowladda Itoobiya u fadhin doona Puntland Degnachew Yitbarek.

Dowladda Itoobiya ayaa qunsuliyad ka sameysaneysa Puntland, waxayna noqneysaa qunsuliyaddii ugu horreysay ay ka hir galiso maamullada dalka, oo qaar xiriir dhaw kala dhaxeeya, sida Puntland iyo Somaliland.

Lamana oga sida ay dowladda Soomaaliya uga fal-celin doonto faragelinta Itoobiya, laakiin horay ayuu madaxweyne Farmaajo si cad u sheegay in xiriirkii Maamul Goboleedyada kala dhaxeyn jiray Itoobiya inuu soo baabi'iyay.

Qunsulka cusub ee maanta gaaray Garoowe waxuu muujinaya sida dowladda Itoobiya ay u daneyneyso xiriirka Puntland, oo uga xiran dano badan oo mid Sirdoon iyo amni uga xiran.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.