Itoobiyaan badan oo kusii qul-qulaya Puntland

Itoobiya ayaa dagaal dhinac kasto kula jirta dowladda Soomaaliya oo haatan ay caawinayaan Ciidanka AMISOM, oo ka kooban 22,000 oo askari.

Warar Keydmedia Online
Itoobiyaan badan oo kusii qul-qulaya Puntland

Puntland, Soomaaliya – Labadii sano ee ugu dambeysay waxaa deegaanada Somaliland iyo Puntland kusoo badanayay dadka Oromada ah ee kasoo cararay Itoobiya oo haatan lugaha la galaysa kacdoon shacab iyo qalalaaso siyaasadeed.

Dadka Qowmiyadda Oromada oo ah kuwa ugu badan dalka Itoobiya shacabkiisa, ayaa qaarkood waxey haatan wajahayaan xaalado adag iyo daruufo, iyagoo maciin biday in ay u soo hayaamaan dhinaca Soomaaliya si ay fursado shaqo u helaan.

Oromada ku sugana deegaanada Puntland ayaa la sheegayaa in ay qaarkood sameysteen ganacsi, waxayna dhexgaleen bulshada halkaas ku dhaqan. Magaalooyinka waxaa lagu arkaa Oromo badan oo ku hadlaya luqadda Soomaaliga, kuwaasoo guud ahaan la wareegay shaqooyinka yar yar ee dadka qaar ka faanaan.

Puntland ayaa sidoo kale marin u ah Tahriibayaasha itoobiyanka ah ee u haajiraya dalalka Carabta iyagoo maraya Yemen, waxaana la sheegayaa in bil kasta ku dhawaad 10 kun Oromo ah ay ka soo talaabaan xadka Itoobiya, kuwaasoo Dooman ka raaca Boosaaso.

Saraakiisha Puntland ayaa dhowr jeer ka digay in deegaanadooda tobanaanka sano ee socdo ay la wareegi doonto Itoobiya, maadaama si xowli ah ay ugu soo qul qulayaan muhaajiriinta Itoobiyaanka ee degaya dhulkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.