Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Galmudug oo furmay

Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu furmay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Galmudug oo mudo bilooyin ah hakad ku jirtay shaqooyinkiisa, maadaama fasax ay Xildhibaanada ku jireen.

Warar Keydmedia Online
Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Galmudug oo furmay

DHUUSAMAREEB - Baarlamaanka Galmudug ayaa yeeshay fadhigii ugu horeeyay kadib mudo ka badan labo bilood oo Xildhibaanada ay fasax ku jireen, iyadoo gudoomiyaha Gollaha Maxamed Nuur Gacal uu sheegay in shaqadooda ay dib ugu soo laabteen.

Kulanka Maanta oo ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeybgalay dhamaan Xildhibaanada iyo Gudoonka, iyadoo looga hadlay xaaladda Galmudug dhinac siyaasadda iyo isbedellada socda, ee Qoor Qoor uu wado.

Dhinac kale, Xildhibaan la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in la xaliyay khilaaf ka dhex jiray Baarlamaanka, kaasoo salka ku hayay Mooshin xilka qaadis ah oo laga soo gudbiyay gudoomiyaha, oo lagu eedeeyay inuu mushaarka Xildhibaanada u isticaamalay dano gaar ah, sida inuu xafiiskiisa ku qalabaystay.

Mooshinka ayaa la joojiyay kadib markii ay soo farageliyeen Madaxweyne ku xigeenka iyo Mas'uuliyiin kale, oo ku qanciyyay Xildhibaanada inay heli doonaan Mushaarkooda ka maqan, waxaana looga baaqay inaysan xiisad siyaasadeed abuurin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.