Khayre oo baaq kasoo saarey heshiiska doorashadda

Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah musharixiinta xilka kula tartami doono Farmaajo, waxuuna Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ka wadey olole uu saaxiibo siyaasadda ku abuuranayo.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa soo dhaweeyay ansixinta heshiiska doorashadda, isagoo Baarlamanka ku bogaadiyay tallaabada uu maanta qaadey.

"Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay labada gole ee baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada. Tallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada. Waxaan ku baaqayaa in nidaamka Doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daah furan oo u qabsoonta si xor & xalaal ah," ayuu yiri Khayre.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.