Beyle oo lagu amray inuu Qasnadda DF ka bixiyo $500,000

UN OCHA ayaa sheegay in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen Soomaaliya kadib markii fatahaado ay sanadkan ku dhufteen deegaanadooda.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa faray wasaaradda maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Amarka ayaa daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo Mudane Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.