Kheyre oo seeftiisa lagu dilay iyo qorshihii Fahad Yasiin oo guuleystay

Kalsooni kala noqoshada xukumadda ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dalka ay ka taagneyd dood siyaasadeed la xiriirta in doorasho ay waqtigeeda ku dhacdo iyo in sida Xaliimo Yarey ay Baarlamaanka u sheegtay loo baahanyahay waqti dheeri ah si loo qabto doorasho.

Warar Keydmedia Online
Kheyre oo seeftiisa lagu dilay iyo qorshihii Fahad Yasiin oo guuleystay

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida uu sheegay Mursal, sababaha Kalsooni kala Noqoshada Ra'iisuwasaare Kheyre waxaa kamid ah inuu ku fashilmay dalka inuu u diyaariyo doorasho qof iyo cod ah, inuu ku guuldareystay dhameystirka nidaamka Federaalka, inuu ku fashilmay maqaamka Muqdisho, inuu dhameystiri waayay dastuurka, sidoo kalena qaadi waayay afti dadweyne iyo inuu dhameystiri siyaasadda ku dhisan xisbiyada badan.

Farmaajo iyo Kheyre faankoodii ahaa isma-khilaafayno, waxaana ka duwanahay Ra’iisul Wasaariyaashii iyo Madaxweynihii naga horeeyay waxuu soo afjarmay maanta, oo burburay midnimadoodii siyaasadda.

Su’aalaha kale ee dadku iswaydiinayaan waxaa kamid ah side 170 Xildhibaan ugu codeeyeen Mooshinka kasooni kala noqoshada, iyadoo la ogyahay in Gollaha Wasiiradda 70% ay ahaayeen Xildhibaanno taageersan Kheyre.

Inta badan Kheyre ayaa mowjadaha uga soo furma Gollaha Shacabka isaga difaaci jiray Wasiiradiisa Xildhibaanada u badan, kuwaasoo fadhiyada xasaasiga ah is xaadirin jiray, si ay u diidaan mooshin kasta oo lidi ku ah Xukuumadda.

Qorshahan xilka qaasidta Kheyre oo la rumeysan yahay inuu ka shaqeeyay Fahad Yaasiin xalay, ayaa muujinaysa in Wasiiradda qaar ay noqdeen seef labo afleh, oo dhinac kale hadda la saftay, iyadoo ay jirto balan-qaadyo loo sameeyay, hadii ay ahaan lahayn lacag ama xilal cusub.

Keydmedia Online ayaa horaantii bishan usoo qortay xogta la xiriirta in Kheyre xilka laga qaadayo, kadibna uu Farmaajo kula gor-gortami doono Mucaaradka, oo uu doonayo inay aqbalaan mudo korarsigiisa [Halkan ka akhri warbixnta].

Farmaajo ayaa shirka 15-ka August ka dhici doono Dhuusamareeb miiska u saari doono Maamullada iyo Mucaaradka xilka Ra’iisul Wasaaraha, si ay go’aan uga gaaraan inay soo dhisaan xukuumad wadaag ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.