Ku daneysiga awoodda xafiiska iyo musuq-maasuqa DF

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa digniin adag u diray mas'uuliyiinta iyo hay'adaha caadeystay musuq-maasuqa iyo ku daneysiga awoodda Xafiisyada qaranka loogu adeegayo.

Warar Keydmedia Online
Ku daneysiga awoodda xafiiska iyo musuq-maasuqa DF

MUQDISHO, Soomaaliya - Musuq-maasuqa iyo ku daneysiga awoodda xafiiska ayaa ku badan dowladda dhex-dhexdeeda, iyadoo uu hadda oo xaalad kala-guur ah la galay ay gaartey meeshii ugu sareysay, waxaana Mas'uuliyiinta xilka kasoo degaya boobayaan hantida dadweynaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa digniin adag u diray masuuliyiinta iyo hay'adaha caadeystay musuq-maasuqa iyo ku daneysasiga awoodda Xafiisyada dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Bishan gudaheeda, in ka badan 10 Mas'uul oo katirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo kuwa kale ayay Maxkamadda gobolka Banaadir ku ridday xukuno kala duwan iyo ganaac lacageed kadib markii lagu helay musuq-maasuq. [Halkan ka akhri Warbixin]

Hay'adda Transparent International ayaa warbixinadii ugu dambeeyay ee soo saartay waxay ku sheegtay inay Soomaaliya kaalinta kowaad uga jiro mudo ka badan 20 sano dalalka ugu musuq-maasuqa badan Caalamka.

Isla-xisaabtan la'aanta iyo hay'ado dowladeed oo awood u leh la dagaalanka musuqa ayaan Wadanka ka jirin, waxaana xusid mudan in xafiisyada ugu sareeyay dowladda ay yihiin kuwa ugu badan ee wax-isdaba-marinta ka jirto.

Farmaajo markii uu xukunka la wareegay, waxaa kamid ahaa balan-qaadyadii uu sameeyay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa, laakiin saddex sano iyo bar kadib maxaa is bedelay? jawaabtu waxay ka muuqataa xariga Mas'uuliyiinta badan iyo meesha dalka uu marayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.