Yaa qaadaya Mas’uuliyadda dagaal ka dhaca Gedo?

Axmed Madoobe iyo Farmaajo ayaa isku haya cida maamuleysa 16 kursi oo yaalla Garbahaarey.

Warar Keydmedia Online
Yaa qaadaya Mas’uuliyadda dagaal ka dhaca Gedo?

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa wax laa xumaado ku tilmaamay Ciidanka uu Farmaajo geeyay gobolka Gedo xili abaar iyo biyo la'aan ka jirta oo shacabka ay dowladda ka sugayeen gargaar bini'aadanimo.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Axmed Maodobe Maanta ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu qaadi doono mas'uuliyadda dagaal ka dhaca gobolka, islamarkaana uu noqon doono gulufka colaadeed ee uu wado xadgudub aan waligiisa ka harin.

"Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey wali kama waantoobin dagaal oogid, abuurid carqalado horleh iyo ku-tumasho dastuurka iyo sharciga dalka xili lagu jiro xaalad kala-guur ah" ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyadda Jubbaland.

Jubbaland waxay sheegtay in Gedo xiligan ay u baahan tahay gargaar iyo gurmad si loo samatabixiyo shacabka gaajada iyo oonkka/haraadka u dhimanaya, kuwaasoo hadii lagu dul-dagaalamo ay xaaladda uga sii dari karto.

Hadalka Xafiiska Axmed Madoobe wuxuu imaanaya kadib markii shalay, March 19 ay dowladda waqtigeedu dhamaaday ay Ciidan, hub iyo gaadiid dagaal ay diyaarado ku geysay magaaladda Doolow oo ku dhaw Xadka Kenya.

Akhriso War-Saxaafadeedka Jubbaland:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.