KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta-Gareen ayaa maanta ka degay Muqdisho, isagoo ay wehliyaan wasiirro iyo mas'uuliyiin kale.
MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo gaarey Muqdisho, waxaana soo dhawayntiisa saf u galay Garoonka Aadan Cadde Wasiirro iyo Xildhibaanno DF katirsan.
Lafta-Gareen ayaa sheegay in ujeedka uu Caafimadda u yimid ay tahay inuu gurmad bini'aadanimo u raadiyo shacabka ku dhaqan degaanada uu fatahaadda Wabiga Shabelle ka sameeyay, waxaana uu la kulmi doonaa Madaxda Dawladda iyo Hay'adaha gargaarka.
Waxaa horey Muqdisho ugu sugnaa Madaxda Galmudug iyo HirShabelle, kuwaasoo arrimaha siyaasadeed u yimid, iyagoo qeyb ka ah hadda dadka xusul-duubka ugu jiro xilka Ra'iisul Wasaaraha in loo magacaabo siyaasi degaankooda kasoo jeeda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.