Lafta Gareen oo xilka ka qaadey gudoomiyihii Sh/Hoose

Waa markii labaad oo C/qaadir Siidii xilka loo dhiibo, iyadoo gobolka aan wali ka jirin wax isbedel ah dhinaca amaanka iyo horumarka dhaqaale.

Warar Keydmedia Online
Lafta Gareen oo xilka ka qaadey gudoomiyihii Sh/Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xilka gudoomiyaha Shabeellaha Hoose ka qaadey Ibraahim Najax, oo mudo ka yar labo sano xafiiska joogey, isagoo ku bedelay gudoomiye hore, oo ay isku beel yihiin.

Najax ayaa labo jeer soo qabtay xilkaan, oo maanta loo magacaabey C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo isaga laftiisu xilkan horey usoo qabtay, isagoo lagu xasuusto inuu horkacayay dagaalkii Al-Shabaab looga saarey Baraawe.

Lafta Gareen ma uusan fahfaahin sababta uu isbedelka ugu sameeyay hogaankii gobolka, balse waxay kusoo beegmaysaa xili Al-Shabaab ay mudooyinkii dambe kusoo xoogeysanayeen degaanno dhowr ah.

Dadka degan gobolka waxay sheegeen inuusan jirin wax horumar ah oo maamullada la isku bedelayo ay keenayaan, maadaama ay jiraan dhibaatooyin aan waxba laga qaban, oo abaaraha, fatahaadaha, dagaallada soo noq-noqday iyo amni la'aanta kamid yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.