Maanta oo kale 2016 dalka doorasho ayaa ka billaabatay

Kursigii ugu horeeyay waxaa lagu doortay magaaladda Cadaado, 15-kii October ee sanadkii 2016, kaasoo kamid ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka 10-aad.

Warar Keydmedia Online
Maanta oo kale 2016 dalka doorasho ayaa ka billaabatay

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya maanta oo kale waxay u ahayd maalin doorasho sanadkii 2016, iyadoo kursigii ugu horeeyay lagu doortay magaaladda Cadaado, oo katirsan maamulka Galmudug.

Abshir Bukhaari, mulkiilaha Goobjoog FM ayaa kusoo baxay doorashadaas oo uu kula tartamay labo musharx oo uu kamid yahay Kamaal Guutaale, agaasimihii hore ee Villa Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay kursigan mid kamid ah kuraastii ku baxday lacagtii ugu badnayd doorashadii 2016.

Waxay ahayd maanta in afar sano kadib doorasho uu galo dalka, balse ma aysan dhicin, oo waxaa muuqata dib u dhac laga digayay sanado kahor oo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ay sheegeen inuu dib u dhaca kamid yahay qorshaha Farmaajo ee mudo-korarsiga.

Sida uu qabo xeerka dalka, waa in afartii sanaba mar dalka uu aado doorasho heshiis lagu yahay, nooca ay doonta ha noqotee, iyadoo laga fogaanayo inay fowdo dhacdo, islamarkaana gacanta ka baxaan dawladnimadii mudada 20-ka sano lasoo dhisayay.

Hadda waxba diyaar uma ahan Farmaajo waqtiga doorashadda waa la gaarey, marka la eego heshiiska cusub ee doorashadda wuxuu qof walba ogyahay in ugu yaraan hal sano uu Farmaajo kursiga kusoo fadhin doono.

Gudiga doorashadda qaban lahaa, xeerarkii loo mari lahaa, ergadda wax dooranaysa, goobo la diyaariyay oo amni ah iyo agabkii lagu qaban lahaa howsha midna diyaar uma ahan dawladda Federaalka, iyadoo Ra'iisul Wasaare Rooble uusan wali magacaabin Xukuumaddii fulin lahayd heshiiska doorashooyinka.

Rooble ayaa la aaminsan yahay inuu yahay shaqsi meesha loo keenay sidii uu u fulin lahaa danaha Farmaajo, una hogaamin lahaa ololihiisa dib u doorashadda, taasoo uu ka dhigtay shaqadiisa kowaad. [Halkan ka akhri warbixin]

Soomaaliya waxay taagan tahay wado isgoys ah hadda, lama oga halka ay u dhaqaaqi doonta sanadkan. Beesha Caalamka ayaa ku guul-dareystay inay dawladda ay dhaqaalaha badan siiso kula xisaabtamaan doorashadda sababta waqtigeeda ugu qaban waysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.