Madaxii Amal Bank ee Kismaayo oo la dilay

Kismaayo ayaa lagu ugaarsanayay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo ganacsatadda tan iyo markii Axmed Madoobe uu la wareegay magaaladda 2012.

Warar Keydmedia Online
Madaxii Amal Bank ee Kismaayo oo la dilay

KISMAAYO, Soomaaliya - Koox hubeysan ayaa maanta oo Isniin ah Kismaayo ku dishay C/llaahi C/salaam Axmed [Shig-Shigow] oo ahaa madaxii Amal Bank xaruntiisa magaaladaas.

Lama oga cida dishay iyo sababta, laakiin waxay dadka degaanka ay sheegeen in goobta ay gaareen Ciidamada Axmed Madoobe oo sameynaya baaritaan. Amal Bank wali kama aysan hadlin dilka shaqaalaheeda.

Dableyda oo bastoolado ku hubeysan ayaa baxsatay, iyadoo meydka marxuumka ay goobta ka qaadeen ehelkiisa, waxaana dilkiisa kusoo beegmayaa xili Axmed Madoobe uu wajahayo eedeymo la xiriira inuu beegsanayo dadka kasoo jeeda Gedo.

Kismaayo ayaa lagu ugaarsanayay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo ganacsatadda tan iyo markii Axmed Madoobe uu la wareegay magaaladda 2012.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.