KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Trump ayaa ku dhawaaqay qorsho cusub oo uu ku doonayo in kusoo celiyo Ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, sida ay Keydmedia Online soo qortay [Halkan ka akhri warka].
MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay muragadda la qeybsanayso dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee maanta xasuusanaya muwaadiniintii lagu dilay qaraxii Zoobe, maanta oo kale saddex sano kahor.
"Maanta, waxaan xusuusanaynaa dhibanayaashii weerarkii argagaxa lahaa ee 14-kii Oktoobar, 2017, ee ka dhacay Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen 587 muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan & boqolaal kale ku dhaawacmeen. Waxaan la murugoonaynaa qoysaska dhibbanayaasha waxaanan garab istaageynaa shacabka & dawladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada," ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.