Maxaa ka dhacay maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho?

Diyaaradda Turkish Airline oo bixi jirtay 10-subaxnimo ayaa maanta baxday 1-da, waxaana ninkii laga shakiyay la wareegay hay'adaha amaanka.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka dhacay maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta la xiray nin laga shakiyay oo kamid ahaa rakaabkii diyaaradda Turkish airline ee ka dhoofayay.

Ninkaan ayaa gudaha diyaaradda buuq ka dhex abuuray, isagoo diiday in uu xirto Face mask ama af xirka looga gaashaanto COVID-19, kaasoo waajib looga dhigay qof walba oo safar ah.

Goobjooge ku sugan garoonka ayaa sheegay in ninkaan uu af lagaadeeyay shaqaalaha diyaaradda iyo kuwa Caafimaadka, kadib markii lagu cadaadiyay inuu xirto face-mask. 

Diyaaradda Turkish airline oo bixi jirtay 10-subaxnimo ayaa maanta baxday 1-da, waxaana ninkii laga shakiyay la wareegay hay'adaha amaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.