Maxaa looga hadlay Kulankii gaarka ee Farmaajo iyo Axmed Madoobe?

Kheyre iyo Qoor Qoor ayaa billowgii kulanka ku sugnaa, balse markii dambe isaga baxay, iyadoo ay isagu soo hareen Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo wadahadal gaar ah yeeshay.

Warar Keydmedia Online
Maxaa looga hadlay Kulankii gaarka ee Farmaajo iyo Axmed Madoobe?

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa Maanta Madaxtooyadda Galmudug isku arkay Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, oo mudo dhowr sano ah kulmin iyagoo u dhaxeeyay Khilaaf siyaasadeed gaamurey oo soo afjaray wada-shaqeyntii DF iyo Jubaland.

Madaxtooyadda Jubaland qoraal ay soo saartey ayaa ku xaqiijisay in kulanka uu ahaa mid loogu gogol xaarayo wadahadal dhexmara Jubaland iyo dowladda Dhexe, oo la doonayo in lagu xaliyo dagaal siyaasadeedkii mudada dheer Axmed Madoobe kula jiray Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor] iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa markii hore qeyb ka ahaa wadahadalka, balse qolka isaga baxay wax yar kadib, iyagoo fursad siiyay Farmaajo iyo Axmed Madoobe inay si gaar ah u wada-hadlaan.

Kulanka ayaa imaanaya xili lagu wada in Dhuusamareeb uu ka furmo shirka lawada sugayo, ee u dhaxeeya DF iyo Maamullada kaasoo la filayo in laga soo saaro go'aanno ku saabsan doorashadda, oo la isku khilaafsan yahay nooca ay noqon doonto iyo waqtiga la qabanayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.