Miisaaniyadda dowladda sanadkan 2021

Xukuumadda cusub ayaa u muuqata inay waqtiga ku luminayso waxyaabo aan loo baahnayn, iyadoo ka gaabinaysa shaqadda ugu wayn ee hortaalla, taasoo ah qabashadda doorasho.

Warar Keydmedia Online
Miisaaniyadda dowladda sanadkan 2021

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda ayaa Shirkoodii Maanta ku ansixiyay ku talagalka Miisaaniyadda 2021, iyadoo lagu soo daray lacago deeq ahaan Caalamka u diiyay dowladda.

Miisaaniyadda ayaa dhan $671.8 million, oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada, oo inta ku baxaysay wali la shaacin, laakiin waxay Xaliimo Yareey horey u dalbatay 6 milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa loo kala qeybiyay Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Waxay Xukuumadda sheegtay in lagu bixin doono dhaqaalahan arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada, Ka hortagga fatahaadaha,Cadaaladda iyo garsoorka, Dib u dhiska waddooyinka iyo Dastuurka.

Wasiiradda ayaa isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirradii xil gaarsiinta, kuwaasoo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen, kuwaasoo ay saxiixeen wasiirro uu Baarlamanka kalsoonida kala noqday 25-kii July 2020.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.