Mursal: Wax mudo-kordhin ah ma jiri doono

Hadalka Mursal ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Farmaajo mudo kordhin loo sameyn doono Maanta.

Warar Keydmedia Online
Mursal: Wax mudo-kordhin ah ma jiri doono

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa beeniyay in mudo-kordhin loo sameyn doono Madaxweyne Farmaajo oo waqtigiisa ku eg February 8.

Isagoo ka hadlayay furitaanka kulankii Maanta ee Farmaajo hortagay, ayuu Mursal ka sheegay in aan jiri doonin wax mudo-kordhin la yiraahdo, isagoo dhanka kale kulankii maanta uu ahaa mid Madaxweynaha codsaday inuu hor-yimaaddo Gollaha.

Farmaajo ayaa jeediyay Khudbad aan micno badan lahayn, oo uu kaga hadlay arrimaha keenay burburka Shirkii Dhuusamareeb, isagoo ku faanay inuu shan jeer tanaasul u sameeyay Madaxda Maamullada, balse Jubbaland iyo Puntland ay diideen in horey loo socdo.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Gollaha Shacabka inuu kaalin ka qaato xalinta khilaafka doorashadda, maadaama ay matelaan shacabka islamarkaana ay ansixiyeen heshiiskii doorashadda 17-kii Sep. 2020.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.