Musharixiinta oo iclaamiyay Shirweyne Wadatashi

Waxay sheegeen in Madaxa Maamuladda iyo Dowladda Dhexe aysan wax dan ah ka lahayn doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta oo iclaamiyay Shirweyne Wadatashi

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiint ayaa ku dhawaaqay inay Muqdisho ku qaban doonaan shirweyne wadatashi, kadib markii dhegaha laga fureystay baaqooda in la joojiyo doorashadda afduuban, ee aan waafaqsanayn hanaankeeda heshiiskii Sep 17.

Waxay Musharixiinta sheegeen in markii ay arkeen in Madaxda Maamulada iyo Dowladda Dhexe aysan wax dan ah ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natijadeedana la isla aqbalo ay go'aansadeen qabashadda shirka oo la isagu keeni doono dadka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan, si mustaqbalkooda uga tashadaan.

Rooble ayaa horey u balan-qaadey inuu qabanayo doorashadda raali laga wada yahay, balse hadda isbedelay mowqifkiisa kadib safarkii Qatar, ee lagu qasbay inuu ka heshiiyo Farmaajo.

Halkan hoose ka akhriso War-Saxaafadeedka Musharixiinta:

Golaha Midowg Murashaxiinta wuxuu mar walba u taagan yahay xaqijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natijadeedana la isla oggol yahay.

Goluhu wuxuu 30 November 2021 u cadeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay dhammaan
shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, iyadoo doorashadii la sugayey isku beddeshay boob qaawan.

Sidoo kale ayuu Goluhu 10 December 2021 soo bandhigay sida lagu sixi karo doorashada, wuxuuna ku baaqay in la isugu yimaado
shir lagu saxayo khilaafka ka taagan doorashada.

Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa Joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo.

Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

Haddaba Golaha oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed.

Si loo taabba geliyo hawshaas culus ayuu Goluhu u magacaabayaa.
1-Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha
2-Iyo Guddiga Amniga Shirwaynaha

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.