Muuse Biixi oo ku socda jidkii uu ku jabey Farmaajo

Somaliland ayaa waxaa tan iyo 2017 Madaxweyne ka ahaa Muuse Biixi oo ka socda xisbiga Kulmiye, kaasoo lagu dhaliilay hogaan xumo.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo ku socda jidkii uu ku jabey Farmaajo

HARGEYSA, Soomaaliya - Muuse Biixi ayaa ku usocda jidkii uu ku jabey Farmaajo, isagoo damacsan inuu mudo-korarsi sharci-darro ah sameysto, oo uusan qaban doorashadda Madaxweynaha.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa arintan aad u diidan, oo maalmahan wadey olole xoog leh, waxayna abaabuleen banaanbaxyo lagu dalbanayo in doorashadda ku dhacdo xiligeeda, Nov 2022.

Labada Xisbi ee Mucaaradka, oo kala ah UCID iyo WADDANI waxay sheegeen inay kacdoon sameyn doonaan, islamarkaana aysan aqbali doonin in maalin uu ku darsado Muuse Biixi xukunka.

Somaliland ayaa waxaa tan iyo 2017 Madaxweyne ka ahaa Muuse Biixi oo ka socda xisbiga Kulmiye, kaasoo lagu dhaliilay hogaan xumo, oo ay usii dheer tahay caburin mucaaradka iyo Saxaafadda.

Waa wadadii uu marey Farmaajo 2021 oo labo sano mudo-kordhin ah markii uu sameystay laga hor-yimid, islamarkaana uu dagaal ka dhacay Muqdisho April, kaasoo 100,000 oo qof ay ku barakaceen.

Muuse waa militeri hore, oo Ciidankii cirka Soomaaliya uga soo mid ahaa, waxaana lagu eedeeyaa inuu yahay hogaamiye kaligii-talis ah, oo xukunka aad u jecel, sidoo kalena wax walba awood ku maquuniya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.