Muxuu Qoor-Qoor uga leexday kuraasta Mucaaradka?

Galmudug waa meesha kaliya ay xubnaha Mucaaradka Farmaajo ay kuraas ku guuleysteen, iyadoo Maamulada kale xitaa loo diiday inay Garoonka ka degaan, iskaba daa inay tartamaan.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Qoor-Qoor uga leexday kuraasta Mucaaradka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa Galmudug ka dhigi waayay sida Maamulada kale - Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed marka laga hadlayo doorashadda.

Inkastoo yahay shaqsi Farmaajo meesha geystay, haddana Qoor-Qoor wuu ku dhiiran waayay xubnaha miisaanka leh in kuraastooda boobo, oo dad Villa Somalia wadato ku bedelo.

Waxaa kuraas ku guuleystay dhowr Musharax oo mucaaradka Farmaajo katirsan, kuwaasoo uu ku jiro ninka sida weyn u loolamaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo Maanta la doortay.

Mahad Salaad ayaa isna la filayaa inuu kusoo baxo kursiga uu ku fadhiyo, waxaana Qoor-Qoor awoodi waayay inuu fuliyo dalabka Kooxda MW hore Farmaajo in raggan tartanka ka reebo.

Galmudug waa meesha kaliya ay xubnaha Mucaaradka Farmaajo ay kuraas ku guuleysteen, iyadoo Maamulada kale xitaa loo diiday inay Garoonka ka degaan, iskaba daa inay tartamaan.

Mucaaradka iyo Muxaafidka Farmaajo intaba way ku tartamayaan kuraasta Galmudug, inkastoo cidii nugul ee la boobi karo uu Qoor-Qoor boobayo, gaar ahaan kuwa daciifka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.