Odawaa: Jab xoog leh baan gaarsiinay Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Militeriga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay Ciidanka ay dagaal saacado qaatey kula galeen Al-Shabaab nawaaxiga Diinsoor.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Jeneral Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in 19 xubnood oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab ay ku dileen dagaal culus oo ka dhacay goob 11-KM u jirta degmada Diinsoor, ee gobolka Baay.

Odowaa ayaa intaasi ku daray inay nolosha ku qabteen dhowr xubnood, sidoo kalena ay burburiyeen saldhiga Al-Shabaab ku lahayd degaanka uu dagaalka xooggan ka dhacay. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.