Puntland: Nin dilay hooyaddiisa oo la xukumay

Faarax Cabdi Caagane ayaa 3 bil kahor Hooyadii  dhashay Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay degaanka Jalam ee Gobolka Nuugaal, oo katirsan maamulka Puntland.

Warar Keydmedia Online

GAROWE, Puntland - Maxkamad heer gobolka oo ku taalla Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta xukun dil ah ku riday Faarax Cabdi Caagane, oo 3 bilood kahor hooyaddiisa ku dilay degaanka Jalam ee gobolka Nugaal.

Qareennada Maxkamdda ayaa sheegay in ninkan uu geystay falka dilka ah isago maskax ahaan caafimaadqaba, islamarkaana lagu helay caddeymo rasmi ah, oo muujinaya dembiga uu galay, oo ah mid argagax ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.