Puntland oo qaadacday Sharci uu saxiixay Farmaajo

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa sheegay in Xeerka Saxaafadda ee uu saxiixay Farmaajo aysan igayu waxba kala socon, islamarkaana aan lagala tashan diyaarintiisa.

Warar Keydmedia Online

Wasiirka  Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi  oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in Xeerka Saxaafadda uusan ka Shaqeyn doonin degaannada Maamulkiisa, isagoo xusay inay ku jiraan qodobo badan oo ay diideen Urrurada Saxaafadda iyo Wariyeyaasha.

Sidoo kale, Wariyeyaasha ayaa walaac ka muujiyey qaar kamid ah qodobada ku jira Xeerka, iyagoo Madaxweynaha ka codsaday in la bedelo, hayeeshee dhegaha laga furaystay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.