Qaraxyo ka dhacay Asmara & Colaada Itoobiya oo gaartay Eritrea

Qaraxyo culus ayaa laga maqlaayay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, maalmo kadib hanjabaad ka timid Mas'uuliyiinta gobalka Tigreyga.

Warar Keydmedia Online
Qaraxyo ka dhacay Asmara & Colaada Itoobiya oo gaartay Eritrea

ADDIS ABABA, Itoobiya - Collaadda Itoobiya ayaa gaartay Asmara, waxaana Asmara ka dhacay galabta iyo caawa dhowr Qaraxyo, kadib markii shalay saraakiil ka soo jeeda gobalka Tigreyga ee dalka Itoobiya ay ku hanjabeen in ay weerari doonaan dalka dariska. 

Maamulka gobalka Tigreyga ayaa xukuumadda Isaias Afwerki ku eedeynaya in uu la saftay Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Inkastoo ay adagtahay in macluumaad laga helo dalka Eritrea, hadana wararka ayaa sheegaya in ay jirto dhimasho iyo dhaawac. 

Abiy Axmed oo horey sumcad iyo magac uga sameeyay dib u heshiisiinta Itoobiya iyo heshiiskii nabadda Eritrea ayaa hadda wajahaya caqabado xalkooda ku adag tahay, oo ay ku jirto colaadda gobolka Tigray.

Dadka degan gobolka Tigray ayaa ka dhigan 6% guud ahaan shacabka Itoobiya oo 110 milyan gaaraya, laakiin waa dad saameyn ku leh Siyaasadda iyo Ciidanka, oo mudo 30 sano xukunka haystay kahor inta uusan Abiy Axmed noqon Ra’iisul Wasaare horaantii 2018.

QM ayaa ka walaacsan dagaalka socda, oo ay sheegtay in 200,000 qof ay ka carareen gobolka Tigray, kuwaasoo gaaren Sudan, oo qaxooti ku noqdeen, iyadoo kuwa badan ay go’doonsan yihiin dalkooda.

Sidee ku bilaabatay Colaadda?

Colaadda u dhaxaysay Ciidamada Federaalka iyo TPLF ayaa ka billaabatey weerar lagu qaadey saldhiyo militeri iyo khilaaf ka taagnaa doorasho dhawaan lagu qabtay gobolka, oo dowladda dhexe qaadacday.

Abiy, oo 44 jir ah waa hoggaamiyaha ugu da'da yar Afrika, wuxuu illaa hadda diidan yahay baaqyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, ee ku saabsan xabbad-joojin deg deg ah iyo wadaxaajood.

Itoobiya oo saameyn dhinaca amniga  iyo siyaasadda ku leh Soomaaliya, oo Ciidamo ka joogaan ayaa qarka u saaran dagaal sokeeye, oo carqalad ku noqon kara xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.