Qoor Qoor iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho ku kulmay

Waa kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan labadaan mas'uul tan iyo markii la doortay Madaxweyne Qoor Qoor February 2020. 

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho ku kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay ku kulmay magaalada Muqdisho, waxayna isla gorfeeyeen xaaladda dalka iyo arrimaha Galmudug.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga Qoor Qoor uu Muqdisho ka deganyahay.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay in shirka uu ahaa mid taalo wadaag ah, iyadoona looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sida ay Galmudug ugu guuleysan laheyd qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3.

"Waxaan caawa kulan talo wadaag ah yeelanay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmad Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Waxaan ka wada hadalnay guud ahaan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Galmudug iyo sida ugu haboon ee uu ku guulaysan karo shirka Dhuusmarreeb 3." ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Qoor Qoor, ayaa tan iyo markii uu Muqdisho soo gaaray todobaadkii lasoo dhaafay kulamo la yeelanayay siyaasiyiinta, Xildhibaanada, Wasiirada iyo xubnaha katirsan Beesha Caalamka ee Muqdisho degan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.