Qoor Qoor oo dib ugu laabtay Galmudug

Madaxweynaha ayaa safar ku tagey dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula soo kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mas'uuliyiin kale, oo ay kawada hadleen arrimo khuseeya Xaaladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor Qoor] ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu laabtey Magaaladda Dhuusamareeb kadib safar 3 maalmood qaatey oo uu ku tagey dalka Jabuuti.

Intii uu joogay Jabuuti, Qoor Qoor ayaa la kulmay Madaxweyne Geelle oo ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga, gaar ahaan Ciidanka Jabuuti ee ka qeyb-qaadanaya howlgalka xasilinta Soomalaiya. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.