Qoor Qoor oo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin hordhigay dalab ku aadan Ra’iisul Wasaaraha cusub

Tan iyo markii xilka laga qaadey Xasan Cali Kheyre, waxaa Villa Soomaaliya ka socday kulamo xasaasi ah, oo ku aadan magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin hordhigay dalab ku aadan Ra’iisul Wasaaraha cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], oo Isniintii soo gaarey magaaladda Muqdisho, ayaa ku guda jira kulamo albaabada u xiran, oo uu la leeyahay Madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xogta ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaysa in Qoor-Qoor uu la kulmay Farmaajo iyo ninka gacantiisa midig ah, taliyaha NISA, Fahad Yaasiin, isagoo kala hadlay sidoo qof kasoo jeeda Galmudug loogu magacaabi lahaa xilka Ra'iisul Wasaaraha.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa dalabka Qoor-Qoor ku daray liiska shaqsiyaadka miiska u saaran, oo isagu jira kuwa aan horey siyaasadda loogu arag, oo wajiyo cusub ah iyo kuwa la yaqaano, oo dhamaan kasoo jeeda Beelaha Hawiye, oo xilkan loo qoondeeyay.

Waxaa sidoo kale jira dedaallo uu wado Madaxweynaha HirShabeellaha Maxamed Cabdi Waare, oo isna xusul-duub ugu jira sidoo shaqsi gobolkiisa Hiiraan kasoo jeeda looga dhigi lahaa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaasoo xafiiska sii heyn doono illaa doorasho laga qabanayo.

Lama oga in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ku magacabayaan Ra'iisul Wasaaraha soo-jeedinta Madaxda iyo Odayaasha dhaqanka ee ay kula kulmayaan Villa Soomaaliya, balse waxay shacabka Soomaaliyeed ogyihiin in qofka imaanaya uu noqon doono mid ka shaqeynaya danta Qatar ay ka leedahay dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.