Qoor Qoor oo gaarey Muqdisho kadib xilka-qaadistii Kheyre

Safarka Qoor Qoor wuxuu noqonayaa midkii ugu horeeyay tan iyo doorashiisii Febuary 2020, wuxuuna imaanayaa xili Farmaajo billaabay xulushadda Ra'iisul Wasaare cusub.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo gaarey Muqdisho kadib xilka-qaadistii Kheyre

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta oo Isniin ah magaaladda Muqdisho lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo booqashadiisii ugu horeysay ku tagey Caasimadda Soomaaliya tan iyo doorashadiisii Febuary 2020.

Wafdiga Qoor Qoor waxaa loo galbiyay Villa Soomaaliya, halkaasoo uu wadahadallo kula qaadanayo Madaxweyne Farmaajo, oo hadda ku guda jira xulushadda Ra'iisul Wasaare cusub, kadib markii Sabtidii lasoo dhaafay uu Gollaha Shacabka kalsoonidii kala noqday Xukuumaddii Kheyre.

Lama oga waxuu salka ku hayo socdaalka Qoor Qoor, balse waxay ogaatay Keydmedia Online inuu Madaxweynaha Galmudug wado shaqsi uu doonayo in laga dhigo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, oo ah xil loo qoondeeyay inuu qabto oo kaliya qof kasoo jeeda mid kamida beelaha Hawiye.

Farmaajo ayaa waji-gabax kala kulmay xilka-qaadista Kheyre, oo ku timid qaab aan sharciga wadanka waafaqsanayn, iyadoo Mareykanka iyo Midowga Yurub aad u cambaareeyeen tallaabooyinka gurracan ee Madaxweynaha qaadey, kuwaasoo khatar ku ah dedaallada beesha Caalamka ee dib u dhiska dalka, soo celinta nabada iyo qaranimada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.