Qoor Qoor oo la heshiinaya hoggaanka Ahlu Sunna

Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa wada xaajood ka sameynayo dhib kasto oo dhacay intii lagu guda jiray ololihiisa doorasho.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo la heshiinaya hoggaanka Ahlu Sunna

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dedaallo ku bixinaya sidii uu heshiis ula gaari lahaa Hoggaamiyaashii Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan.

Warar ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu kulamo la yeelanayo Odayaasha iyo Mas'uuliyiinta taageersan Ahlu Sunna, si loo helo isku soo dhawaasho labada dhinac ah iyo in heshiis laga gaaro khilaafyadii dhacay.

Qoor Qoor oo kaashanaya Siyaasiyiinta magaca ku leh Galmudug ayaa kulamo la qaatay Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha iyo Xildhibaan hore Cabdisamad Macalin Maxamuud oo wakiil ka ah Ahlu Sunna, kaasoo habeen hore ka soo muuqday xafladda furitaanka Shirkii Dhuusamareb.

Madaxweynaha oo horey ula heshiiyay Siyaasiyiintii ka aragtida duwanaa ee kula loolamay kursiga, ayaa haatan ka shaqeynaya sidii uu ku dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya hoggaanka Ahlu Sunna oo sanado badan maamulayay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Horaantii sanadkaan ayay ahayd markii madaxda Ahlu Sunna loo awood sheegtay, islamarkaana dagaal loogala wareegay Dhuusamareeb oo u ahayd saldhigooda.

Kadib markii laga awood roonaadey, hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa u cararay dalka dibaddiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.