Qoyska Cali Khaliirf Galleyr oo baaritaan dalbaday

Geerida Ra'iisul Wasaarihii hore ayaa abuurtay shaki aad u ballaaran, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in la sumeeyay Mas'uulkan oo isagoo Caafimaad qaba howlo shaqo u tagey Jigjiga.

Warar Keydmedia Online
Qoyska Cali Khaliirf Galleyr oo baaritaan dalbaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Mukhtaar Axmed oo kamid ah qoyska Cali Khaliirf Galleyr ayaa u sheegay Warbaahinta inay dalbanayaan baaritaan dhameystiran in lagu sameeyay sababta uu u dhintay odeyga.

Mas'uuliyiinta Dawlad degaanka ayaa sheegay in Cali Khaliirf Galleyr uu ku dhacay cudurka Coronavirus-ka, kadibna uu u dhintay, iyagoo sheegay inay sidaas ku ogaadeen baaritaan lagu sameeyay meydkiisa kadib markii hogaamiye katirsan ONLF sheegay in la sumeeyay.

Si kastaba, Cali Khaliirf Galleyr lama oga waxa dilay, iyadoo kiiskiisa u muuqdo mid la iska soo xiray, oo aan la doonaynin inuu sii socdo, waxaana lagu wadaa in Maanta la geeyay Muqdisho, halkaaso dawladda ay sheegtay in aas-qaran loogu sameyn doono.

Sanadihii dambe, Galleyr ayaa u weecday dhanka Somaliland kadib markii uu heshiis la galay Maamulkii Siilaanyo, kaasoo ku saabsanaa inuu ka tanaasulo Khaatumo, islamarkaana uu qeyb ka noqdo Maamulka Hargeysa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.