Labo Nin oo geystay kufsi aan hore loo arag oo Baydhabo lagu toogtay

Labadaan nin ayaa maanta lagu toogtay fagaare ku yaallo Baydhabo kadib markii lagu helay fal shareecada Islaamka ka baxsan. 

Warar Keydmedia Online
Labo Nin oo geystay kufsi aan hore loo arag oo Baydhabo lagu toogtay

BAYDHABO, Soomaaliya - Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku toogtay labo ruux oo lagu helay fal fool xun, oo khilaafsan shareecada suuban ee Islaamka.

Labadaan ayaa lagu eedeeyay in wiil yar oo 9 jir ah kula kaceen falka Qowm-kii la halaagay ee "Luud" bilooyin ka hor, kaasoo fajac iyo amakaag ku noqday bulshada ku nool deegaanada Koofur Galbeed iyo guud ahaan gayiga Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Koonfur Galbeed Maxamud Xuseen Xasan ayuu ku sheegay in maamulka marnaba uusan ogolaan doonin in deegaanka laga sameeyo fal fool xun oo ka hor-imaanaya Diinta iyo dhaqanka.

“Marnaba ma ogolaandoono cid kasta oo ku howlan inay wax u dhimaan diinteena, dhaqankeena, bulshadeena iyo amnigeena, cid kastoo ficil fool xun sameysa waxa ay wajahi doonaan talaabo ku haboon oo caddaalada ayaa la marsiin doonaa sida tan maan dhacdey oo kale” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed.

Ragaan xukunka lagu fuliyay ayaanan Maxkamad la soo taagin, waxaa uuna maamulka Koofur Galbeed sheegay in dilka lagu fuliyay labadan nin kadib markii ay afkooda ka qirteen dembiga, arintaana ay qeyb ka tahay suulinta falalka noocaan oo kale ah oo deegaanka ku soo batay.

Toogashada ayaa ku soo aadeyso xilli shalay magaalada Baydhabo laga soo wariyay in ilmo da'dooda ka yartahay 10 sano jir oo labo ahaa la fara xumeeyay, kadibna midkooda uu dhibaatada u geeriyooday, iyadoo dembiilayaasha ay goobta ka baxsadeen. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.