Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Garoowe

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa kuwada sugan Garoowe si ay uga qeyb galaan aaska marxuum Xasan Abshir Faarax.

Warar Keydmedia Online
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Garoowe

Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa saaka gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntalnd.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ku jiraan madaxda Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ay wehlinayeen, ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, iyo Jubaland oo maalin kahor halkaas gaaray.

Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu aasayaa maydka Allaha Unaxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga, isla markaana saaka Maydkiisa Muqdisho Janaaso lagula tukaday, waxaana ka qeyb galaya RW dalka iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Kheyre iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa aaska kadib ku soo laaban doono magaalada Dhuusamareeb oo ay taalo gogosha shirka wada-tashi ee lagu gorfeynayo arrimaha siyaawsadda iyo doorashooyinka muranka ka taagan.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha uu kulamo la qaadan doono inta uu ku suganyahay Garoowe bulshda qeybaheeda kala duwan xili uu jiro Khilaaf u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Madaxweyne Deni.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.