Ra’iisul Wasaare Kheyre oo safar deg deg ah ku tegaya Garoowe

Safarkaan Ra'iisul wasaare Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa u jeedkiisu yahay ka qeyb galka duugta Ra'iisul wasiirihii hore ee dalka iyo madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland.

Warar Keydmedia Online
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo safar deg deg ah ku tegaya Garoowe

Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxda Dowlad Goboleedyada oo haatan kuwada sugan magaalada Dhuusamareeb, ee caasimadda Galmudug ayaa la filayaa in ay u safraan Garoowe.

Ujeedka safarka ayaa ah ka qeyb galka aaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo maalmo kahor ku kala geeriyoodey Kenya iyo Turkey.

Meydka Madaxweynihii hore ee Puntalnd Maxamed Cabi Xaashi marna madaxweyne ku xigeen soo noqday ayaa saaka diyaarad ka soo qaaday magaalada Nairobi ee dalka, halkaas uu 12-ka bishaan ku dhintay, kadib markii uu xanuunsaday.

Dhinaca kale, Meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii kMG aheyd Xasan Abshir Faarax ayaa isna lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galab ka amba baxay Dhuusamareeb, isagoo dib ugu laabtay Garoowe si uu uga qeyb galo aaska Marxuum Gen Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Xaashi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.