RW Rooble oo kasoo tagey Garowe isagoo fara maran

Deni ayaa difaacaya Axmed Madoobe, isagoo shuruudo uga dhigay magacaabista xubnaha gudiga doorashadda Puntland in Ciidanka DF laga soo saaro Gedo.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo kasoo tagey Garowe isagoo fara maran

GAROWE, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa saakay isaga soo tagay Garowe kadib markii uu burburey wadahadalkii uu la lahaa Deni ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka iyo khilaafka taagan sidii loo xalin lahaa.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland kaliya ay soo magacaabayso xubnaha guddiga doorashada marka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala baxdo Ciidamadeeda gobolka Gedo, una ogolaato Axmed Madoobe inuu qabto doorashadda Xildhibaanada gobolka, oo Garbahaarey ka dhacaysa.

Saciid Deni wuxuu sidoo kale Rooble hordhigay shuruud kale oo aad u culus taasoo ah bedelida guddiga loo xilsaaray soo xulista Xildhibaanada iyo Senatorada ka soo jeeda Somaliland.

“Ciidanka Soomaaliya ee la geeyay Gedo ma ahan ciidan duulaan ah. Dalabyada Puntland iyo Jubaland waxay muujinayaan rabitaan ah in jadwalka doorashada lagu rido jahwareer. Marka laga hadlayo gudiga xulista xildhibaanada iyo Senetarada Somaliland, Madaxweynaha Puntland wuxuu muujinayaa go'aan siyaasadeed oo liita oo uu ku faragalinayo hanaanka doorashada ee Xildhibaanada Waqooyiga iyo Senetarada ”ayuu yiri Rooble.

Habeenkii xalay, Ra'iisul Wasaare Rooble wuxuu diiday casho sharaf sagootin ah oo Denu u sameeyay, isagoo dhan kale kula kulmay xubnaha bulshada rayidka iyo ganacsatada magaalada Garowe, wuxuuna kala hadlay u diyaar garowga soo xulista Xildhibaanada iyo Senetarada kahor doorashada Madaxweynaha ee Febuary 2021.

Rooble ayaa lagu wadaa inuu Maanta gaaro Dhuusamareeb, oo kula kulmi doono Qoor-Qoor oo la filayo inay kawada hadlaan go'aan noocee ah ayaa laga qaadan karaan diidmada iyo mucaaradnimada Jubbaland iyo Puntlanad isku bahaysteen.

Warar ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha uu booqasho ku tagi doono Kismaayo, laakiin waxaa aad u yar rajada laga qabo in xal deg deg ah laga gaari is-mariwaagga taagan ee dhanka doorashadda.

Dowladda Federaalka waxay ku qasban tahay inay doorashadda qabato hadii ay Deni iyo Axmed Madoobe ku sii adkaystaan mowqifkooda, waxaana suurta-gal ah inuu Farmaajo mudo korarsi sameyto oo dib u dhigo doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.