RW Rooble oo gaarey Baydhabo

Waa safarkiisii ugu horeeyay oo ku tagayo magaalo ku taalla dalka tan iyo markii xilka loo magacaabey bishii September ee sanadkan 2020.

Warar Keydmedia Online

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa Baydhabo gaarey goordhaw wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo uu noqonayo safarkiisa mid kusoo beegmaya xili xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay Muqdisho.

Ujeedka socdaalka Rooble ayaa ah inuu xariga kasoo jaro wadooyinka Bangiga Adduunka maalgeliyay oo Baydhabo laga dhisay, kuwaasoo isaga uu Injineer ka ahaa kahor inta aan loo dhiibin xilka Ra'iisul Wasaaraha September.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.